Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa xerada Dab iyo Dhagax ee qeybta 27-aad oo ku taalla magaalada Buuloburde kulan kula qaatay Taliyaha qeybta 4-aad ee howlgalka xasilinta iyo tageerada midowga Afrika (AUSSOM Col. Saciid Waaberi oo ay weheliyaan Taliyaha Guutada 11-aad ee Ciidamada Jabuuti Col. Maxamed Axmed Yuusuf iyo saraakiil kale oo booqasho ku tegay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad Col. Cabdullahi Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM .
Arrimaha looga hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo sii laba jibaari lahaa howlgallada ka dhan ah AS ee ka socda gobolka Hiiraan iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM, Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay deeganno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladii dhacay khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey dagaalamayaasha Al-Shabaab.