Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyo xooggan oo Maanta lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Laba qarax oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa marka hore lagu dhuftay albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada, kadibna waxaa xigtay rasaas xooggan oo bilaabatay, taasi oo ridayeen rag hubeysan oo Xarunta Wasaaradda galay.
In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan ka tirsanaa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka qaraxyada, halka dad kale ay ku dhaawacmeen oo ku jiro Taliye Mahad Koroow, kuwaasi oo durbadii la geeyay Isbitaalo.
Qaraxa labaad ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Booliska ĆĀ ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed, Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada, waxaaĆĀ dhaawac ah weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA.
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ku-xigeenka iyo agaasmaha guud ee wasaaradda ayaa gebi ahaanba ka maqnaa xarunta xilliga uu weerarka dhacayey, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow Wasaaradda.