Magaalada Muqdisho ayaa laga mamnuucay sameecadaha Mooto Bajaajta lagu rakibo, kuwaas oo inta badan lagu dhageysto muusigga iyo heesaha.
Booliska Soomaaliya ayaa maanta ย bilaabay inay Mootooyinka ka dejiyaan sameecadaha, iyagoo waddooyinka ku arkay ciidamo joojinaya mootooyinka.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in talaabada ay qaaday ay qayb ka tahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka caasimadda, iyadoo sidoo kale ay timaaddo kadib markii dhawaan la qabtay mooto ka buuxsan sameecad lagu soo qariyay qarax.
Qaraxaas ayaa la qabtay xili la doonayay in falal amni darro lagu fuliyo,, waxaana ciidanka ammaanka ay ku guuleysteen inay qabtaan mootooyin halis ah oo sameecadaha lagu soo rakabiy.
Dhinaca kale, wadayaasha Bajaajta ayaa ka cabanaya mamnuucista sameecadaha, iyagoo sheegay in sameecaduhu ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan helitaanka rakaabka mootooyinka.
โInta badan dadka raaca Bajaajta waxay nagu weydiiyaan haddii sameecad ay ku saaran tahay mootooyinka, haddii aysan jirin, ma raacaan,โ ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo la hadlay warbaahinta Dalsan TV.
Mamnuucidda sameecadaha waxaa lagu sababeynayaa in la yareeyo khatarta amni ee ka dhalan karta isticmaalka qalabkan, taas oo horey u sababtay dhacdooyin xasaasi ah.