|

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay 6 markab: Waxa aad u baahan tahay in aad ogaato

Warar · Ilhaan · December 12, 2025
Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay 6 markab: Waxa aad u baahan tahay in aad ogaato
Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay lix markab oo kale kadib kii ay ku qabteen Venezuela
In Summary

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay lix markab oo la sheegay inay sideen saliidda Venezuela, iyo qaraabo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Maduro, kadib qabashada markabka Skipper.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay lix markab oo kale oo la sheegay inay sideen saliidda Venezuela, maalin kadib markii ay qabteen markab marayay xeebaha dalkaasi.

Cunaqabatayn ayaa sidoo kale lagu soo rogay qaar ka mid ah qaraabada madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo ganacsiyada xiriirka la leh waxa ay Washington ugu yeertay maamulkiisa aan sharciga ahayn.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa saxaafadda u sheegtay in markabka la qabtay oo lagu magacaabo Skipper uu ku lug lahaa “shidaal sharci darro ah” lana geyn doono deked ku taalla Mareykanka.

Caracas ayaa falkaas ku tilmaantay “burcadbadeed caalami ah”.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.