Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo galabta la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in arrin laga xumaado tahay inaysan ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda qaadanin wax mushaar ah qaadanin saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Salaad Cali Jeelle, oo Wasiir-ku-xigeenkii Gaashaandhigga ka ahaa Dowladdii Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa tilmaamay inay Dowladda Federalka bil kasta u soo xerooto in ka badan 9 billion oo Dollar, oo laga bixin karo mushaaraadka ciiddamadda iyo shaqaalaha kale.
Siyaasiga oo haatan ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimadda iyo Dimuqraadiyadda, ahna  Xiriiriyaha Madasha Midnimadda iyo Dimuqraadiyadda, ayaa carrabka ku dhuftay inay jiraan Mas’uuliyiin ku kaca musuq iyo wax is-daba-marin, kuwaasi oo aan lala xisaabtamin.
“Waxaan maalin kasta aragnaa iyadoo Dembiilayaal la hor-keenayo Maxkamadaha, balse weli lama arag iyadoo  Mas’uuliyiinta dhaca Hantida Qaranka la soo taagayo Maxkamadaha, si looga abaalmariyo hantida uu dhacay†ayuu yiri Md. Salaad Cali Jeelle.
Hadalkiisa ayaa waxa uu soo baxay, kadib, markii Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka soo saaray wareegto lagu amrayey in Ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda la siiyo mushaarkooda, lana joojiyo bixinta kharajyadda Qaansheegtooyinka kale.
Wareegtadda Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka waxa kaloo lagu soo bandhigay qaabka loo isticmaalay  Dakhliga u soo xerooday Dowladda, oo kala ah:-
Bishii March waxaa la bixiyey lacag dhan      US$12,068,890,97
Bishii April   waxaa la bixiyey lacag dhan      US $9, 569,122,98
Bishii May    waxaa la bixiyey lacag dhan          US$9,835,624,90
Si kastaba ha ahaatee, Amarka Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ayaa ku soo beegantay iyadoo ay ciiddamadda iyo shaqaalaha ka fekerayaan halka ay ka heli doonaan Kharaashaadka bishan barakaysan ee Ramadaan ee foodda nagu soo hayso.