Safiirkii Dowladda Soomaaliya u joogay Boqortooyada Sucuuudiga ayaa is casilay,Xili uu eed Culus u jeediyay Xubno ka shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Saalim Macaw Xaaji oo Warqad soo saaray ayaa sheegay in iscasilaaddiisu ay timid kadib markii xubno ka shaqeeya ham-maamuuska Madaxweynaha ay ula dhaqmeen si aan wanaagsanayn, waxaana uu warqadda ku sheegay in Hinda Culusow oo maamusha iridda Madaxweynaha ee xaafiiska ay ka hor istaagtay.
Safiirka oo Warqadda is casilaadda ku sheegay 3 qodob ayaa waxaa uu intaa ku daray in laga reebay oo laga hor istaagay ka qayb galka shirka 32aad ee Jiddaha.
Waxaa sidoo kale uu sheegay Safiir Saalim Macaw Xaaji in arrintiisa uu la socodsiiyay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhammaan eedishiisa uu si gaar ah ugu jeediyay madaxa hab maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh.