Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa xaqiijiyey in loo yeeray Safiirka, loona gudbiyey cabasho ku aadan Tallaabadda ay Norway magangelyadda ku siisay Saraakiil ku lug lahaa Afgembigii Fashilmay ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Arrintan ayaa timid, kadib, markii ay Koox ka tirsan Saraakiisha Milliteriga Turkishka ee saldhigooda ku yaallo dalka Norway diideen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.
Dowladda Norway ayaa la sheegay inay Saraakiishaasi shalay u oggolaatay magangelyo-siyaasadeed oo ay ku joogi karaan dalkaasi.
Dhinaca kale, Askari Turkish ah oo lagu dilay weerar ka dhacay K/bari ee dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Maleeshiyadda PKK weerareen Askar ku sugnaa Gobalka Hakari, iyadoo Hal Askari la dilay, 4 kalena la dhaawacay.
Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Askarta dhaawaca xaalladooda hagaagsan tahay, lana dhigay Isbitaal.
©Radio Dalsan