Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa  ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo safiirka cusub ee Soomaaliya u matali doona Washington, D.C.Dahir Hassan Carab.
Danjire Carab, oo la hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahiyay kulankii uu la qaatay Madaxweyne Biden, isagoo tilmaamay in ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka labada dal. Carab ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso dhinacyada amniga, xuquuqda aadanaha, gargaarka bani’aadantinimo, iyo arrimaha horumarinta ee muhiimka ah.
Danjiraha ayaa ku adkeystay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka. “Waxaan ku hawlan doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro.
Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka labada dal.