Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyas Ali Hassan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Caasimada Dar es Salaam, iyadoo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tanzania, qaar kamid ah safiirada dalkaasi, iyo xubno ka socda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania.
Safiirka Soomaaliya ayaa si aad ah uga mahadceliyey soo dhoweyntii diirneyd ee loo sameeyey, wuxuuna muujiyey mahadnaqa uu u hayo dadka iyo masuuliyiinta ka qeyb qaatay qabanqaabada soo dhoweynta, isagoo sheegay in soo dhaweyntan ay muujinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.
Intaas waxaa sii dheer, Safiir Ilyas Ali Hassan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ay sii wadayso dadaalada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, si loo taageero horumarka iyo wada shaqeynta labada wadan.
Safiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania iyo wadashaqeynta safaaradda. Dadaaladaasi ayaa qeyb ka noqon doona horumarinta iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Tanzania, taas oo muhiim u ah labada dhinac.