Dowladda Somaliya oo u yeertay safiirada tagay Hargeysa si ay kor joogto ugu noqdaan Doorashada Somaliland.
Si gaar ah Dowladda ayaa si weyn kaga carootay fal uu ku kacay Safiirka Denmark ee Soomaaliya, kadib markii uu sameeyay arrin lid ku ah Qaranimada Soomaaliya.
Safiirka Denmark ayaa markii uu tagay Hargeysa Waxaa uu dal ahaan ula macaamilay maamulka Somalilad, isagoo ku tilmaamay dal qabsaday doorasho, sidoo kalena aad u bogadiyay doorashadooda Madaxtimo.
Tallaabada uu Qaaday Safiirka Denmark ayaa Madaxbanaanida Soomaaliya meel kadhac ku ah, maaddaama Somaliland ay tahay Maamul ka.mid ah Soomaaliya, balse ay ku dhawaaaqday gooni isu taag, sidoo kalena Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay hanaanka doorashooyinka Somaliland, balse waxaa uu kasoo horjeestay in la siyaasadeeyo Qaranimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.
Dowladda Federalka ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin in safiirada qaar Dal ku sheegeen Somaliland, halka kuwa kale aysan soo hadal qaadin inay yihiin Safiirada Somaliya, oo ay ka meereen inay yihiin Safiirada dalalkooda u jooga Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku daray in safiirro badan oo Qariyay Safiirnmadooda ay su’aalo ka weydiin doonaan, si loogala xisaabtami xadgudubka Qaranimo ee ay kula kaceen dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.