Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa xalay lagu qarxiyey meel ku dhow Safaaradaha Talyaaniga iyo Masar ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Sarkaal u hadlay Bisha Cas ee Libya ayaa sheegay in maydadka 2 qof oo gubtay laga soo dhex saaray gaariga qarxay, mana kala cadda in qaraxa loola dan lahaa Safaaradda Talyaaniga oo dib loo furay 2 isbuuc ka hor.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay bad-qabaan dhamaan Shaqaalaha Safaaradda ay ku leeyihiin Tripoli.
Talyaaniga waa dalkii ugu horreeyey ee Reer Galbeed ah oo Safaaradooda dib uga furtay magalladda Tripoli, iyadoo Safaaradda la xiray sannadkii 2014-kii iyo 2015-kii oo ay dagaallo culus ka dhaceen gudaha iyo daafaha Caasimadda Libya.
©Radio Dalsan
Â