Safaaradda Filibiin ee magaalladda Kuwayt City ayaa sheegtay iyadoo maraysaa La-talintooda Sharciga inay rafcaan ka qaadan doonaan 10-sanno ee lagu xukumay Haweeney Filibiinis ah oo lagu soo oogay inay weerar Is-qarxin ka geysan lahayd gudaha dalka Kuweyt.
Ilo ku dhow Safiirka Filibiin u jooga Kuweyt, Ambassador Renato Pedro Villa ayaa sheegay inay xushmeynayaan Go’aanka Maxkmaadda Kuweyt iyo Nidaamka Garsoorka ee dalkaasi, isla markaana ay Maxkamadda Rafcaanka kala hadli doonaan Xukunka Haweeneydasi.
Safiirka waxa uu Haweeneydaasi ku booqday Xabsiga ay ku jirto, isagoo u ballan qaaday in taageero dhinaca Sharciga laga siin doono Xukunka lagu riday.
Haweeneydaasi oo Adeegto ahayd ayaa la sheegay inay Saraakiisha Ammaanka Kuwayt qabteen bishii August, waxaana lagu xukumay 10-sanno, iyadooku xiran Xabsiga dhexe ee Kuweyt oo ku yaalla Deegaanka Sulaybiya.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Filibiin ayaa lagu sheegay inay Maamulayaasha Kuweyt ku raad joogeen E-mailo been abuur ah oo ay lahayd haweeneydaasi iyo Farriimo ay Mobaylkeeda ugu dirtay Ninkeeda oo Somali ah, kaasi oo ka tirsan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish  ee ku sugan dalka Libya.
Baraayaasha Ammaanka ee dalka Kuweyt ayaa sheegay inay Haweeneydaasi qiratay inay xubin ka tahay Kooxda Kooxda Daacish, isla markaana  Is-qarxin lahayd.
©Radio Dalsan