Saraakiisha waddanka Sucuudi Carabiya ayaa sameynaya barnaamij lagu isticmaalo mobilka oo lagula soconayo khudbooyinka iyo salaadaha masaajida si loogu ogolaado jamaacadda inay ogaadaan haddii imaamka masjidka uu dheereynayo salaada iyo khubadaba.
Sida laga soo xigtay wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Sucuudi Carabiya, Cabdul Latif Alsheikh, barnaamijkan mobilka ayaa lagula socon doona tayada iyo dhererka khudbooyinka masaajida, sida ay qortay jariidada Al-watan ee Sacudiga kasoo baxdo.
Guud ahaan wax faahfaahin ah lagama hayo cidda sameyn doonto howshaan korjoogteynta masaajida ah, balse waxaa loo maleynayaa in dadka sida joogtada ah u xaadira masaajida ay awood u yeelan doonaan inay imaamka masjikda ku qiimeeyaan dhowr arrimood.
Sucuudi Carabiya ayaa haatan ka baaraandegaysa isbeddelka lagu sameynayo culuumta diinta, waxaana uu muran ka taagna in mid laga dhigo khudbooyinka masaajida laga akhriyo si dadka looga fogeeyo fikradaha “shisheeyaha, ama mabaa’diida kooxda Ikhwaanul Muslimiin.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in diintu “aysan ahayn aalad loo adeegsado in maskaxda dadka looga dheelo,” mana haboona in loo adeegsado in lagu handado ammniga iyo xasiloonida dalka “.
Sucudiga ayaa ku dhawaaqay sanadkii 2014 in Ururka Ikhwaanul Muslimiin uu yahay Urur aragagixiso.
Barnaamijka raaf-reebka khudbooyinka masaajida ayaa imaanaya kaddib maalmo markii lagu dhawaaqay barnaamij kale oo lagu isticmaalo mobilada, kaasi oo muwaadiniinta Sucuudigu ay ku qiimeyn doonaan adeeg kasto oo dolwadda ah sida adeegyada caafimaadka ciyaaraha sida ay qorarayaan warbaahinta dalkaasi.
App-ka Watani ayaa lagu tilmaamaya inuu la mid yahay ” barnaamij lagu isticmaalo mobilada kaasi oo awood u siinaya muwaadiniinta, iyo dadka soo booqda dalkaasi inay ku qiimeeyaan adeegyadda dowaladda, ayna qeyb ka qaataan dadaalada lagu horumarinayo adeegyada guud”
Sikastaba, iyada oo gudaha Sucuudi Carabiya ay ka socdaan isbedeladaan ayaa xukuumadda Riyaad waxa ay toddobaadkaan sheegtay inay eryeyso safiirka Canada ee dalkeeda, ayna hakineyso xiriirka ganacsi ee kala dhexeeyo kaddib markii Ottawa ay ku baaqday in la sii daayo dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka ee u xiran boqortooyada Sucuudi Carabiya.