Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la xiray ugu yaraan 8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay geysan lahaayeen dilal iyo qarax gaari.
Eedeysanayaasha oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ayaa qorsheynayey inay Saraakiisha Ammaanka ku dilaan Degmadda Shaqra ee Waqooyiga caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Sidoo kale, qaar ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa qorsheystay inay dad rayid ku weeraraan Degmadda Qatif ee Galbeedka dalkaasi, halka kuwo kalena ay diyaariyeen gaari miineysan oo lagu weerari lahaa Ciyaar Kooxo ka kala socday Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ku dhex mari lahaa Garoonka K/cagta ee magaalladda Jiddah ee Galbeedka dalkaasi.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in 8-da Eedeysane ee la xiray waxaa ku jira 2 Pakistani, Hal Sudaani iyo Hal Suuryaan, waxayna Boliska baadi-goobayaan 8 Sacuudiyaan iyo Nin u dhashay Baxrayn.
©Radio Dalsan
Â