Waxaa goordhow soo dhammaada wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka socota Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wareega koowaad ee doorashada ayaa waxaa hoggaaminaya afar Musharax oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.
Waxaa muuqata in wareega koowaad ee doorashada ay ku hareen Musharaxiin ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Natiijada hordhaca ah ee doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa ay Musharaxiinta kala heleen:
Xasan Sheekh Maxamuud 52 Cod
Xasan Cali Kheyre 48 Cod
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 61 Cod
Saciid Cabdullaahi Deni 65
Sheekh Shariif Sh Axmed 39 Cod
C/raxmaan Cabdishakuur Warsame 15 Cod
Caddow Cali Gees 8 Cod
Bashiir 2 Cod
Axmed Ducaale Geelle Xaaf 1 Cod
Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay