Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee baasaboor bixinta oo ay yeelan doonto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ee degmada Boondheere, gobolka Benaadir. Munaasabaddan muhiimka ah oo ka dhacday goobta dhismaha cusub, ayaa ahayd mid ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda.
Intii uu ka hadlayay munaasabadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee HSJ, dedaalkiisa iyo waqtiga uu geliyay sidii loo horumarin lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, gaar ahaan in adeegyada baasaboor bixinta loo soo dhaweeyo bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntan cusub ay u fududeyn doonto shacabka in ay si sahlan u helaan adeegyada dowladeed, taasoo muujineysa sida dowladdu uga go’an tahay in ay gaarsiiso adeegyada muhiimka ah ee dowladnimo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Munaasabadda dhagax dhiga waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Mas’uuliyiintan ayaa tilmaamay in dhismaha xaruntan cusub ay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in la xoojiyo kaabeyaasha dowladnimo ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Dhismaha xaruntan cusub ee baasaboor bixinta ayaa lagu wadaa in ay noqoto mid casri ah oo u adeegta shacabka si hufan, iyadoo la rajeynayo in ay wax badan ka beddeli doonto habka loo maareeyo adeegyada socdaalka ee dalka, taasoo qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada muwaadiniinta Soomaaliyeed.