Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Masuulka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa horay kaga tirsanaa jiray dagaalamayasha AS, waxaana uu kasoo qabtay Xilal kala duwan, Baraha Bulshada Soomaalida ayaa saacadihii ugu dambeeyay si weyn looga falceliyay Magacaabista Masuulkaan, inkastoo muddo dheer ay kasoo wareegatay markii uu kasoo goostay AS, haddana saaso ay tahay dadyow badan ayaa su’aal galiyay Magacabista Ibraahim Nadaara.
Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa isi soo dhiibay gabagabadii muddo xileedkii hore ee Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.