Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay guddoominayeen Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmad Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, kaas oo looga hadlayey gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka daadadka wata iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka kooxaha khawaarijta ah looga ciribtirayo deegaannada Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa la wadaagay golaha wasiirrada qorshe yaasha mudnaanta u leh dowladdiisa, gaar ahaan dhinacyada gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka, amniga, la dagaallanka KhawaawrijtaAl-Shabaab iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya deegaannada Jubaland, maadaama ay daadadku jareen inta badan isku socodkii dadka iyo gaadiidka.