Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barreยฌ, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda Doorashada iyo Dhammaystirka Dastuurka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay Xukuumaddu u qaaddan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan, lana doorto.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka Siyaasadda Loo dhan yahay, in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.
โGuddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan heyโaddaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan masโuuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.โAyuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.