Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in geesiyaasha huraya naftooda ee u dhimanaya difaaca dalkooda iyo dadkooda ay baal dahab ah ka geli doonaan taariikhda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan laga hari doonin Khawaarijta goob walba oo ay ku sugan yihiin, maadaama ay u taagan yihiin ka been sheegga diinta, daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta maalka ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha AS, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda la gaarsiiyay harka dowladnimada”.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha AS ee diiddan nabadda Soomaaliya iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.