Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay dagaallada ka socda Gobolka Bari, oo ay Ciidamada Daraawiishta Puntland kula jiraan kooxda Daacish.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaas oo guulo la taaban karo ka keenay dagaalka ay kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Daacish.
“Waxaan hambalyo u dirayaa halyeyada Daraawiishta Puntland, kuwaas oo maalmahan dagaal adag kula jiray Daacish ee Gobolka Bari. Guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalkaas waa kuwo ku dayasho mudan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse, isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada Puntland. Waxa uu xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay bixiyaan taageero kasta oo lagu xoojiyo dagaalka lagula jiro Daacish.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ugu garab taagan tahay geesiyaasha Daraawiishta Puntland, anagoo hiil iyo hoo ku taageerayna. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Qaranka waxay diyaar u yihiin inay gurmad walba oo loo baahdo bixiyaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari. Dagaallo dhowaan ka dhacay degaanka Calmiskaad ayaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda, halka saraakiisha Puntland ay ballanqaadeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa dhulkaas laga ciribtiro argagixisada.