Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane mudane Hamza Abdi Barre, oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.
Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan, sidokale Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna ciidanka ka dalbaday inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.