Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii Qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.
“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay Alshabaab ugu ooman yihiin daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono†ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka AlShabaab.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.