Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacò Coppi, kaasoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa lagu gorfaynayey arrimo muhiim ah oo quseeya horumarinta, nabadeynta, iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaalka Dowladda Talyaaniga dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, si looga miro dhaliyo qorshaha fog ee dowladnimada Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga, oo kamid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, ayaa ku howlan mashaariic kala duwan oo ay ku taageerayso adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isku afgartay in la dardar-geliyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, si loogu guuleysto mustaqbal nabdoon oo Soomaaliya horumar iyo barwaaqo gaarto.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku horumarineyso xiriirka caalamiga ah iyo helitaanka taageero dibadeed oo ay ku gaarto himilooyinkeeda ku aaddan nabad iyo horumar waara.