Saraakiisha iyo ciidamada la socda markabka dagaal ee shalay kusoo xirtay dekadda Muqdisho ayaa xalay  loo sameeyay casha Sharaf iyo soodhaweyn gaar ah.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa si maamuus leh u qaabilay saraakiisha markabka la socota iyo xubno ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka qaybgalay casho sharafta.
Kulankaan lagu maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ayaa qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca, kaasi oo horay madaxweyne Xasan Sheekh lasoo saxiixday dowladda dalka Turkiga.
Ra’isul Wasaare Xamse ayaa ku sheegay tagista markabka dagaal ee Turkiga ee Muqdisho dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka labada wadan.
Madaxda Dawladda ayaa ku tilmaamay tagista markabkan ee Muqdisho mid qayb ka ah heshiis kii dhawaan labada wadan gaareen.