Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Aadan-yabaal ee Goboklka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay wehlinaayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ayaa Aadan-yabaal kulan kula qaadan doona dhammaan saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadli doono dar-dargelinta howlgalada la doonayo in Al Shababa looga saaro dalka iyo sidii ciidanka xoogga dalka dib loogu celin lahaa magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud oo maalmo kahor ka baxeen.
Socdaalka uu RaÃsul Wasaare Xamse Barre ku tagay gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka isaga soo baxeen deegaanno iyo degmooyin badan ay kaga sugnaayeen gobolka Galgaduud.
Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.