Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray Geeddi Socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-heshiin Qaran.
Sidoo kale Masuuliyiinta kale Kulankan oo heerkiisu sarreeyo, waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh, wasiirada Federaalka, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo bulshada qeybaheeda.
Kulankaan diiradda saaraya lix tiir oo ay saldhig u tahay sidii ummadda Soomaaliyeed si dhab ah uga heshiin lahaayeen dhibaatooyinkii la soo maray.