Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo shacabka ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Shacabka iyo ciidamadu ayaa si diirran u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo muujinayay sida ay uga go’an tahay difaaca deegaankooda iyo taageerada ay u hayaan dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaadda kadib khudbad u jeediyay dadweynaha, isaga oo uga mahad celiyay sida geesinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen AS, una difaacayaan deegaannadooda. Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyay shacabka ku dhaqan Nambar 50 doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan halganka lagu xoreynayo dalka, gaar ahaan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wuxuu xusay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa AS, si loo xaqiijiyo mustaqbal nabdoon oo ay helaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Intaa kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada, isaga oo kala hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgalada xoreynta ee ka socda gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaal lagu xoojinayo dagaalka, iyada oo ay dowladda ku adkaysatay inay ka go’an tahay ciribtirka dagaalamayaasha AS.