Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si dadban uga hadlay warar maalmahan la isla dhex marayay oo sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diiday baasaboorkiisii diblomaasiga ahaa, taasoo caqabad ku noqotay safarradiisa caalamiga ah, ilaa ugu dameyn uu adeegsaday Sharciga dhalada dal kale uu ka haystay.
Rooble oo hadalkan jeediyay xilli uu ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday Koonfur Afrika, ayaa si maldahan u xaqiijiyay jiritaanka arrintan, isagoo tusaale usoo qaatay hadal kooban, balse wax yaabo badan bidhaaminaya, waxaana uu yiri “Nin ciid kugu rogay waxba kumu gaarsiin, laakiin calooshiisa ayuu ku tusay” taasoo ay dad badan u fasireen inay muujinayso sida dowladda hadda jirta ay uga horjeedo.
Hadalka Rooble ayaa imaanaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafyo siyaasadeed, waxaana Rooble uu horay loollankii ugu adkaa uu la galay Madaxweynihii hore Farmaajo iyo kooxdiisii xilligii uu xafiiska joogay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya aan lagu xukumi karin aragtida qof gaar ah, balse loo baahan yahay hannaan heshiis lagu yahay.
“Dalkaan laguma xukumi karo waxaan anee igu fiicanyihiin ee adiga kuguma fiicna ee waxaa lagu xukumi karaa wax heshiis lagu yahay,” ayuu yiri Rooble, taasoo si dadban u muujineysa khilaafka u dhexeeya isaga iyo hoggaanka hadda jira.
Rooble wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii si adag uga soo horjeestay maamulka Farmaajo, gaar ahaan doorashadii 2021-2022, wuxuuna garab weyn u ahaa mucaaradkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadda, waxaa muuqata in xiriirka isaga iyo dowladda hadda jirta uusan wanaagsaneyn, taasoo loo fasiran karo isbeddelka xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Arrinta la xiriirta in laga hor istaagay baasaboorkiisii diblomaasiga ahaa ayaa noqon karta mid cirka isku sii shareerta, maadaama ay ka tarjumeyso loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya RW Hore Rooble iyo Madaxda hadda talada haya.
Waxaana Xusid mudan in horay Dowladdu u beenisay arrinta ku aaddan is hor istaagga RW Hore Maxamed Xuseen Rooble.