Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26-ka Juun oo ku beegsan markii gumeystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.
Rooble ayaa xuska 26-ka Juun ku tilmaamay inuu yahay ku dayasho mudan halgameyaaahii Soomaaliyeed ee rag iyo dumarba lahaa ee dhiiggooda u soo huray xorriyadda, dhidbidda calanka iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xorta ah.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble shacabka ugu hambalyeeyay Munaasabadan, isagoon sheegay in sigaar u xusuusanayan halgameyaashii gobannimo-doonka ee gobollada woqooyi ee markii ay gumeysiga iska dulqaadeen gartay.
“Innagoo u dabbaaldegeyna sanad guuradii 61aad ee xornimada dalkeenna, waxaa xusid, ammaan, duco iyo ku dayasho mudan halgameyaaahii Soomaaliyeed ee rag iyo dumarba lahaa ee dhiiggooda u soo huray xorriyadda, dhidbidda calanka iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xorta ah” ayuu yiri Rooble.
Sidoo kale waxaa uu Qoraalkiisa intaas kusii daray “Si gaar ah waxaan u xusuusaneynaa halgameyaashii iyo dhaqshaqaaqyadii gobannimo-doonka ee gobollada woqooyi ee markii ay gumeysiga iska dulqaadeen gartay in ay la midoobaan walaalahooda Koofureed halkaas oo uu ka dhashay qaran Soomaaliyeed”.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in 61 sano ka dib weli baahi weyn loo qabo midnimo, walaalnimo iyo wadajir, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka oo u hamuun qaba horumar dhinac walba leh.