Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo labada Mas’uul ayaa waxaa kala kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.
Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, si loogu gudbo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay Jadwalka dhaarinta oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka, waxaana maamuladaas ay Jadwalka ku tilmaameen sharci darro, sidoo kalena sheegay in aysan aqbali doonin Go’aanada kasoo ba Guddiga.