Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen oo Maanta safar ku gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalka guud ee Baraawe.
Roonle ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan isbitaalka Magaalada gaari doono gaari lagu qaado bukaannada, wuxuuna ballan qaaday in la dabooi doono baahiyaha deg degga ah ee isbitaalka.
Sidoo kale Ra’lisul Wasaare Rooble ayaa kormeeray xarunta loo gorsheeyay inay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku matalaya Koonfur Galbeed.
Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku tegay xarunta loo gorsheeyay doorashada ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale.
Magaalada Baraawe ee Caasimadda KGS ayaa kamid ah Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu horey u sheegay inuu booqasho ku tegayo Magalooyinka ay ka dhacaan doorashooyinka.