Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaaa maanta soo geba gabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.