Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga, kuwaasi oo ay qayb ka ahaayeen kulanka Wasiirada Wasaaradahaasi .
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa faray Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga  in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.