Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Madaxweyne ee uu maalmo kahor kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku yimid doorasho xalaal ah oo aheyd midii ugu fiicneyd ee dalka ka qabsoontay, uuna yahay Madaxweyne Soomaali oo dhan isku heyn kara, aduunkana ku heyn kara, uuna soo hoggaamiyay dalkaan.
Wuxuu Rooble ugu baaqay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Xasan Sheekh inuu si deg deg ah wax uga qabto amniga dalka oo uu xusay inuu marayo heerkii ugu xumaa iyo inuu wax ka qabto dhinaca dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay in shaqo la’aan baahsan ay jirto xiligaan, kana shaqeyso sidii kor loogu soo qaali lahaa dhaqaalaha
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caddeeyay in tala ugu muhiim uu siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay inuu iska ilaaliyo in uu dalka uu yeesho milkiile ama shaqsi si gaar ah awoodda dowladda wax weliba uga soo sameysanaya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Milkiile dalkaan ka ilaali Soomaali aday ku doorteen nin ku keensaday majiro, go’aanka adiga iyo Ra’iisul Wasaarahaaga iyo inta xukunka kula joogta kaliya ha idinku ekaado cid kale haku aaminin,†ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble wareysiga ay la yeelatay Idaacadda VOA-da.
Dhinaca kale Rooble ayaa sheegay in heerar kala duwan loo soo maray ka gungaarista doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, wuxuuna intaas kusii daray in Xukuumaddiisa dedaal xooggan ay gelisay sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha siyaasadeed ee la hor dhigay si loo hor istaago dhammeystirka doorashada Soomaaliya.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka SOomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadii dhacday uga guuleystay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.