Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Isbitaalka xoogga daolka waxa uu ku booqday askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku soo dhaawacmay weeraradii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose oo Alshabaab ay weerar qarax ku bilowday ay ku qaadeen.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ,waxaaana dhaawacyada uu u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan,sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saarey Xafiiska RW Kheyre.
Aroornimadii hore ee shalay ayay aheyd markii Alshabaab weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen saldhig Milatariga dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Sh/hoose.