Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa si kulul kaga hadlay dilka loo gaystay hoggaamihihii Xamaas Ismail Haniya, waxaana iyadoo ay jiraan waddamo kale oo saaacdaha soo aaddan la filayo inay caddeeyaan mowdqifkooda ku aaddan dilka Hoggaamiyaha, maaddama ay jiraan tuhunno culus oo lala xiririnaya Isra’iil.
Dowladda Ruushka oo saameyn xooggan ku leh go’aamada siyaasadaha Caalamka ayaa ka mid noqotay dowladihii ugu horreeyay ka haday dilka Isma’il Haniyaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobolâ€