Madaxweynaha  Kenya, William Ruto ayaa jeediyay eedeymo ku aadan la qorsheeyay in la afduubto isla markaana la dilo guddoomiyaha guddiga doorashada xilli ay socotay doorashada madaxweynaha ee la shaaciyay sanadkii lasoo dhaafay.
Mr Ruto ayaa ku guuleystay doorashadaas la qabtay bishii August ee sanadkii 2022, wuxuu helay codad gaarayay boqolkiiba 50.5, muran iyo buuq ayaa xilliggaas hareeyay xaruntii lagu tirinayay codadka.
Xilliggaas guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu sheegay in shaqadiisa uu qabsanayay balse loo hanjabay.
“Waxaan la soconnaa inay jireen isku dayo toos ahaa oo lagu afduuban rabay Mr Chebukati si loo dilo, howsha guddigana loo curyaamiyo, hanjabaaduhu waxay ahaayeen kuwo aad u xunâ€.
Ruto ayaa hadalkan jeediyay xilli aqalka madaxtooyada uu kulan la lahaa guddiga doorashada.