Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kooban u qabatay in dalka isaga baxao, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay dalka ka eriday Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madeira.
Waxaa Ceyrinta Mandere loo cuskaday  oo lagu eedeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa,iyadoo Qoraalka lagu sheegay in aan dalka laga rabin Mandera.
Waxaa la faray Mr Madeira inuu dalka uga baxo 48 saacadood gudahood, sidoo kalena waxaa Midowga Afrika laga dalbaday inay u yeeraan Mr Madiera.
’Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo’ ayuu lagu yiri Qoraalka Xukuumadda.