Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay, isagoo warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda .
Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey walaalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.