Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah ka taagan xaalada adag oo dhinaca nolosha, kadib markii magaaladaasi ay habeenimadii xalay roobab xooggan ka da’ayeen in ka badan 5 saacadood oo xiriir ah.
Daadad farabadan oo ka dhashay roobabkii da’ay ayaa kusoo rogmaday xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana biyaha ay galeen guryaha, iyadoona xaalada ugu adag ay ka jirto xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako.
Dadka shacabka ee kunool xaafadahaasi ayaa bilaabay goor hore oo xalay aheyd ay ka barakacaan magaalada, isla markaana ay aadan deegaano ku dhow Baladweyne, maadaama guryihii ay deganaayeen ay dhex ceegaan biyaha roobka.
Dhinaca kale daadadka kusoo rogmaday magaalada ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana la tilmaamayaa in biyo farabadan galeen waddooyinka, taasina ay ku adkaatay inay maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Maamulka degmada iyo kan Gobolka Hiiraan ayaa wada gurmad iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen roobabka xoogan ee xalay ka da’ay magaalada, sidoo kalena waxaa la tilmaamayaa in hakad ay galeen duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.