๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ผ๐ผ๐ฑ, ๐ฆ๐ฆ๐-๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐๐บ๐ผ, ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ฅ ๐๐, ๐๐๐๐: Raโiisul Waraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaaddir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallim Fiqi, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha, Mudane Sulub Axmed Firin, iyo Maareeyaha Guud ee Hayโadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray Laanta Guud ee ay NIRA ku yeelanayso magaalo-madaxda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Munaasabadda Xarig-jarka ka sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga goโan tahay daadejinta adeeg-bixinta Dowladda Federaalka iyo in dhammaan adeegyada asaasiga ah la gaarsiiyo deegaannada SSC-Khaatumo, isagoona xusay muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranku u leeyahay casriyaynta iyo dhijitaalaynta adeegyada Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale, Hoggaamiye Firdhiye ayaa isna dhankiisa ku bogaadiyay DFS iyo Hayโadda NIRA sida ay mudnaan gaar ah u siiyeen hirgelinta Laanta NIRA ee SSC-Khaatumo, isagoona shacabka deegaanka ku boorriyay inay is-diiwaangeliyaan.
Intii ay munaasabadda Xarig-jarku socotay ayaa hawl-wadeennada NIRA hannaanka diiwaangelinta mariyeen Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan, Garaad Cabdisalaan Xasan, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad Saleebaan Buraale, Isimo kale, iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada oo madasha ka qayb-galay.