Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uu maanta Kulan la qaatay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, Iyaad Calawi oo maanta booqasho aan horey loo sii shaacinin ku yimid magaalladda Muqdisho.
Iyaad Calawi iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaare Sharma’arke, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia.
Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Xaalladda Ammaanka ee dalalka Carabta iyo Hawlgalka La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, waxa uu maanta Khudbad ka jeediyey Shirka Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, ka hor inta uusan la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Iyaad Calawi waxaa lagu wadaa inuu kulamo kale la qaato Madaxda Dowladda, ka hor inta uusan ka ambabixin Muqdisho.
Waana  markii ugu horreysay oo Mas’uul ka tirsanaa Dowladda Ciraaq uu booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdii Kacaanka sannadkii 1991-kii.
Iyaad Calawi waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenka ka ahaa dalka Ciraaq sannadihii 2014-kii ilaa 2015-kii, wuxuuna mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Xukuumaddii KMG ee dalkaasi, isagoo xilkaasi hayey muddo hal sanno ah (2004-tii ilaa 2005).
©Radio Dalsan       Â