Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu xilligu ka dhacay, ahna Musharax Madaxweyne, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu Hotelka Serana ee magaalladda Nairobi Kulan Khaas ah kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Maamulka Somaliland, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, C/raxmaan Maxamed C/llaahi “C/raxmaan Cirroâ€
Labada Mas’uul waxay Kulankooda kaga wad hadleen Isbedelka Siyaasadeed ee Somalia iyo Somaliland iyo sidii ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen Doorashadda Madaxtinimadda ee dhawaan ka dhici doonta Somalia.
Musharax Madaxweyne Sharmaarke oo haatan ku hawlan Ololihiisa Siyaasadeed waxa uu door-biday inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliland, C/raxmaan Cirro u muujiyo Debecsanaan Siyaasadeed, si uu uga kasbado Taageeradda dhinaca Beelaha ka soo jeeda Somaliland.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey RadIo Dalsan inuu Musharax Sharmaarke Kulankaasi culayska ku saaray inuu C/raxmaan Cirro kala hadlo Ajendayaasha Wada-xaajoodkii  Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland iyo in la soo nooleeyo Qaddiyadda Midnimadda Somalia.
Musharax Madaxweyne Cumar C/rashiid ayaa u muuqda inuusan taageero ka filan ka heli doonin Xildhibaanadda Beelaha Waqooyi ee ka mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Dhinaca kale, Dadka Reer Somaliland, gaar ahaan kuwa isticmaala Warbaahinadda Bulshadda ayaa si kulul u cambaareeyey Kulanka uu C/raxmaan Cirro la yeeshay Ra’isul-wasaaraha XFS.
Waxayna Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ku sifeeyeen Siyaasi jilicsan oo aan ku adadkayn Qaddiyadda Gooni-isku-taagga Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee Ra’isul-wasaaraha XFS oo ka soo jeeda Gobalka Sool ee Waqooyiga Somalia isku soo taago Xilka Madaxweynaha, wuxuuna ka mid ahaa Musharixiinta looga guuleystay Doorashadii dhacday sannadkii 2012-kii ee Madaxweyne Xasan Sheekh lagu soo doortay.
©Radio Dalsan