Ra’isul-wasaare Matiyo Renzi ayey u badan tahay inuu berrito is-casilo, haddii uu ku guul-daraysto Cod-bixinta Isbedelka lagu samaynayo Dastuurka dalkaasi.
Wasiirka Gaadiidka ee dalkaasi, Garaziyaano Delriyo ayaa sheegay inuu rumeysan yahay haddii looga guuleysto Cod-bixintaasi inuu Ra’isul-wasaaraha warqadiisa Is-casilaadda u gudbiyo doono Madaxweynaha dalkaasi. Serjiyo Matarella.
Saraakiisha Siyaasadda ayaa aaminsan inuu Madaxweynuhu ku qanci doono Ra’isul-wasaaraha inuu xilka sii hayo, si loo augo Deganaanshaha Siyaasadda ee Talyaaniga.
Balse, haddii uu Ra’isul-wasaaruhu diido, waxa uu Madaxweynaha magacaabi doonaa Ra’isul-wasaare soo dhisa Xukuumad Cusub oo kormeerta Isbedelka Doorashadda.
©Radio Dalsan