Ra’isul-wasaare Paolo Gentiloni oo isbuucii hore qaliin looga sameeyey Ibistaalka Gemelli Hospital ee magaalladda Rome ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Isbitaalka.
Wuxuuna maanta shir guddoomiyey Kulanka Golihiisa Wasiiradda, sida lagu sheegay Hadal ka soo baxay Xafiiskiisa.
Paolo Gentiloni oo 62-jir ah waxa uu xilka Ra’isul-wasaaraha qabtay bishii hore, wuxuuna haatan ka soo kabanayaa Qaliin Talaadadii hore looga sameeyey Halbowle dhiig-qaada oo xirmay.
Ra’isul-wasaaraha oo horey u ahaa Wasiirka Arrimaha, waxa uu xilka Ra’isul-wasaaraha loo dhiibay, markii uu is-casilay Ra’isul-wasaarihii hore, Matteo Renzi oo ku guul-daraystay Doorashadii bishii December 4-tii lagu doonayey Isbedel dhinaca Dastuurka Talyaaniga,
Cod-ururin maanta lagu soo daabacay Wargeyska Maalinalha ee Corriere della Sera waxaa Xukuumadda Paolo Gentiloni heshay 33% ee heerka Taageeradda Shacbiyadda, halkii ay Xukuumadiisa bil ka hor heshay Taageero dhan 25% bishii hore, wax yar kadib markii Xilka loo dhiibay.
Sidoo kale, Xisbiga ugu caansan dalka Talyaaniga ee Dhaqdhaqaaqa 5-ta Xiddig (5-star Movement) waxa uu codka taageeradda helay 30.9%, halka XisbigaBidixda Dhexe ee Demorcratic Party ee uu hoggaamiyo Matteo Renzi helay 30.1%.
Xigasho: REUTERS.
©Radio Dalsan