Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.
Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.
- Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed JaamacGuddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.
Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal qaribaad ah, naftoodana lagu haligo, waxayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
—-DHAMAAD—
Prime Minister’s Media OfficeÂ
Mogadishu, Somalia
[email protected]Â
Twitter: @SomaliPM
Â