Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa sheegay in la joogo xilligii dadka Kenyanka loo sheegi lahaa Xaqiiqadda wixii ka dhacay Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku dileen Askar Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ee Somalia.
Hoggaamiyahaasi Mucaaradka oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Kenya waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Tuulladda Osupuko ee Galbeedka Trans Mara, halkaasi oo lagu aasayey mid ka mid ah Askarta Kenya ee lagu dilay weerarkii Ceel-cadde.
“Waa in naloo sheegaa tirade iyo magacyadda Ciiddanka Wiilasheenna ee lagu dilay Somalia iyo kuwa ku dhaawacmay, waana inay Dowladda sheegtay qorshaha qoysaska Askarta la dilay, si ay u helaan Rootigii ay quudan lahaayeen†ayuu yiri Raila Odinga.
Waxa uu intaasi ku daray in Askartaasi geeriyoodeen iyagoo difaacaya Danaha Dalkooda, isla markaana ay mudan yihiin Sharaf iyo in la Xusuusto, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay caddeeyaan Istaraatijiyadda  iyo Waqtiga ay qaadan karto in Askarta Kenya laga soo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia.
“Labo, Shan, 10, 20 ama xitaa 100-sanno qaadan doonto inay Ciiddankaasi si ijoogaan Somalia, waxaa loo baahan yhaya inay Dadka Kenyanka isku diyaariyaan, isla markaana u ogaadaan sqaabka ay xaalladda gacanta ugu dhigi karaan†ayuu yiri Raila Odinga oo isagu horey uga tirsanaa Dowladda Kenya markii ay Ciiddankooda u soo direen gudaha Somalia, bishii October ee sannadkii 2011-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay horey u sheegeen inay Weerarkii Ceel-cadde ku dileen 100-Askari , isla markaana qafaasheen tiro kale oo aysan shaacinin, wuxuuna Weerarkaasi ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara Askarta Kenyanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan   Â