RW hore ee dalka Talyaaniga, Arnaldo Forlani ayaa shalay oo Khamiis ahayd geeriyooday, isagoo 97 jir ah.
Arnaldo Forlani ayaa waxa uu Ra’iisul-wasaare soo noqday muddadii u dhexeysay bishii October ee sanadkii 1980-kii ilaa bishii May ee sanadkii 1981-kii.
Waxa kale oo uu Labo jeer soo noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga Christian Democracy sanadihii 1969-kii ilaa 1973-kii, iyadoo mar kale loo doortay sanadihii 1989-kii ilaa 1992-dii.
RW geeriyooday ayaa waxa kale oo uu dhowr jeer soo qabtay Xilalka Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Dibedda iyo Ku-xigeen RW iyo Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka dalkaasi.
Arnold Forlani waxa uu sanadkii 1925-kii ku dhashay magaalladda Dekedda leh ee Pesaro oo kaabiga ku haysa Badda Adriatic Sea.
Si kastaba, waa RW Labaad ee soo mara dalka Talyaaniga oo geeriyooday wax ka yar hal bil, iyadoo RW hore ee dalkaasi, Silvio Berlesconi uu geeriyooday bishii hore ee June 12-dii.
W/Q: Ustaad Nuuradiin