Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo Maanta lagu dilay dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoyska Marxuumka, isagoona ku tilmaamay inuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday dhibaatada lagu haayo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in Marxuum Cilmi Hagar Guure uu astaan iyo halbeeg u yahay kuwa dadka nabadda iyo xasiloonida u diiday, waa sida uu hadalka u dhigay Xamse Cabdi.
“Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle, Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa†ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa Maanta lagu dilay dagaal xoogan oo Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.